Jaaliyada Soomaalida ee Magaalada Basel 7 sano jirsatay iyo Xaflad loogu dabaal degaayo oo la qabtay (sawiro)

Published: February 1, 2012

Jaaliyada Soomaalida ee Magaalada Basel ee Wadanka Switzerland ayaa waxa ay u dabaal degtay sanad guuradii 7aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay.

Xaflad weyn oo si heer sare ah loo soo agaasimay eyna ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaalida iyo kuwa ajaanibta ah ee ku nool Wadankan Switzerland ayaa lagu qabtaay Xarunta Jaaliyada ee ku taal Magaalada Basel.

Qudbado, Heeso, ciyaaro Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida ah iyo kuwa Switzerand iyo qaar kale oo Afrikan ah ayaa xaflada lagu soo bandhigay iyadoo goobta ay ku sugnaayeen Fanaaniin Soomaaliyed oo caan ah sida Fanaanka Cabdullahi Shire Jooqle, Axmed Yaasiin iyo qaar kale oo ka tirsan Fanaaniinta Switzerland sida Samatar ,Max Deeq iyo Maandeeq.

Waxaa Goobta qudbado ka soo jeediyay Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida SwitzerlandCabdalla Xuseen Cumar,Gudoomiyaha Hay’ada Daryeel Xasan Ismaaciil Aadan, iyo qaar ka tirsan Hogaamada Jaaliyadaha Soomaalida ee Switzerland ka dhisan sida Gudoomiyaha Jaaliyada Neuchatel, Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Zurich, Maamulka Jaaliyada Schafhausen iyo dad kale oo ajaanib ah oo uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Jaaliyada Afrikan Diasparo.

Dadka ka soo qeyb galay xaflada ayaa waxa ay bixinayeen Qarashaad la doonayo in lagu taburaco Isbitaalka Guud ee Magaalada Dhoobley iyo meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah.

Waxaana goobta sidoo kale lagu soo bandhigay Cuno Soomaali oo si aad ah loo soo habeeyay.

Si kastaba ha ahaate Xafladaan ayaa waxa ay ku soo dhamaatay Jawi aad u wanaagsan.

Jaaliyada Soomaalida ee Magaalada Basel waxa ay ka mid tahay dhowr Jaaliyadooda oo ay leeyihiin dadka Soomaalida ah ee ku nool Dalkan Switzerland .


Cabdiqani Cali Dalmar

riyaale10@hotmail.com
Horseed Media-Basel Stadt