Jaamacadda Badda Cas oo daah-furtay barnaamij loogu gurmanayo abaaraha Puntland-Sawiro

Published: March 6, 2017

Maamulka Jaamacadda Badda Cas ayaa daah-furay barnaamij loogu gurmanayo abaaraha Puntland, barnaamiijkan ayaa daah-furkiisa waxaa ka soo qayb galay maamulka Jaamacadda, masuuliyiinta dowlada ee gobolka Bari, gudiga gargaarka abaaraha, aqoonyahanka, haweenka iyo martisharaf kala duwan.

Gudoomiyaha Jaamacadda Badda Cas Prof. Cabdullaahi Sheekh Xassan ayaa xusay in jaamacadda si aan kala har lahayn uga qayb qaadanayso gurmadka abaaraha ayna isku xilqaamtay arintaas.

Prof. Cabdullaahi ayaa dhamaan maamulka, macallimiinta iyo ardayda ugu baaqay in ay doorkooda ka soo baxaan loona baahan yahay in wax kasta looga qayb qaato abaaraha maal, xoog iyo talaba.

Sidoo kale Prof. Cabdullaahi ayaa talooyin badan soo jeediyey iyo mustaqbalka sidii loo yarayn lahaa saamaynta baaraha.

Gudoomiyaha gudiga gar-gaar abaaraha mudane Maxamed Yusuf Jamac Tigay ayaa ardayda ku guubaabiyey in ay si lixaad leh uga qayb qaataan gurmadka waxa uuna xusay wanaaga qofka samafalaha ah iyo in uu waxa uu labaxayo adduun iyo aakhiroba afcacayso isaga oo in badan ku nuux-nuuxsaday sidii la iskaga kaashan lahaa looguna gar-gaari lahaa dadka iyo duunyada abaartu waxyeelaysay.

Gaba-gabadi ayaa waxaa soo xiray Gudoomiye kuxigeenka gobolka Bari Axmed Cali Cabdullahi Ciro. waxa uuna aad ugu nuux-nuuxsaday in marwalba musiibooyinku u baahanyihiin sidii iyadda oo gacmaha lays haysto looga bixi lahaa abaartuna tahay musiibo qaran oo saamaysay dhamaan dadka soomaaliyeed.

Barnaamijka gurmadka ayaa ku soo idlaaday jawi aad dadkii ka soo qayb galay ay uga qiiroodeen ka dib markii gudigu soo bandhigeen muuqaalo ka turjumaya xaddiga abaartu le egtahay iyo sida dadka ugu soo carareen deegaanada gobolka Bari ee bilihii la soo dhaafay uu qabtay roob aan sidaas u badnayn.

Jaamacadda Badda Cas ayaa mar walba waxa ay u taagantahay waxqabadka bulshada iyo sidii loo garab istaagi lahaa.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *