Jabhada Muslimiinta Rohingya oo weeraray Ciidamada Burma

Published: January 7, 2018

Xoogaga u dagaalama xuquuqda muslimiinta Rohingya ee dalka Burma ayaa weerar ku qaaday ciidamada dowlada ee ku sugan gobalka Rakhine.

Weerarkan oo ahaa mid jidgooyo ah oo loo dhigay ciidamada dowlada Myanmar ayaa waxaa sheegtay kooxda Rohingya Salvation Army (ARSA).

Ugu yaraan 20 askari ayaa la sheegay inay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Dowlada Myanmar ayaa waday xasuuq ay la beegsaneyso dadka muslimiinta Rohingya oo ay dooneyso inay ka baro kiciso gobalka ay ku dhaqan yihiin ee Rakhine, waxayna dowladaasi ku tilmaamtaa dadkaasi inay asal ahaan kasoo jeedaan wadanka Bangaladhesh.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *