Jabuuti Oo Tababar Usoo Xirtay Shaqaalaha Dekeda Garacad – VIDEO

Published: August 29, 2020

Dowlada Jabuuti ayaa maanta tababar aqoon kororsi ah ugu soo xirtay magaalada Jabuuti qaar kamid ah shaqaalaha dekeda Garacad ee gobolka Mudug, Puntland.

Tababarkan oo socday seddex berri ayaa waxaa xiritaankiisa kasoo qaybgalay Wasiirka Dekedaha Jabuuti Abubakar Cumar Haadi, madaxda matalaysay Puntland iyo masuuliyiin kale.

Intii uu tababarku socday waxaa masuuliyiinta iyo shaqaalaha dekeda Garacad la baray maamulka iyo maaraynta dekedaha, waxaana la geeyey dekedaha Jabuuti iyadoo lasoo tusay sida ay shaqadu uga socoto iyo qaabka ay u dhisan yihiin.

Masuuliyiintii tababarka la siiyey ee dekeda Garacad ayaa dhankooda sheegay inay wax badan ka barteen dowlada Jabuuti, iyagoona uga mahadceliyey.

Tababarkan oo ay iska kaashadeen Puntland iyo Jabuuti ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee la siiyo shaqaalaha dekeda Garacad oo la rajaynayo in dhismaheeda la dhameeyo 2021.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *