Jabuuti: Shiriif iyo Geelle oo kulan yeeshay

Published: February 20, 2012

Madaxweynaha DKG ah ee Soomaaliya Shariif Sh.Axmed iyo wefdi uu horkacyo oo ku sugan dalka Jabuuuti ayaa maanta kulan la qaatay madaxda ugu sareysa dalkaas.

Madaxweyne Shiriif ayaa kulan mudo dheer qaatay la yeeshay dhiggiisa dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ka wada hadleen arimo badan.

Waxyaabaha ay labada mas`uul isla soo qaadeenna waxaa kamid ahaa shirka London iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta labada dowladood iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya oo markii uu kalankaas oo ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin soo gaba gaboobey kadib Saxaafadda u waramay ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay madaxweyne Geelle isla soo qaadeen.

Wuxuuna sheegay inay ugu weyn tahay sidii mowqif mideysan looga qaadan lahaa shirka maalinta khamiista ah ee soo socota London ka furmaya kaas oo ah mid ay wadamo badani kasoo qayb gelayaan loogana hadli doono xal u helidda dhibaatooyinka Soomaaliya.

Wefdiga Shiriifa oo socdaalkoodu uu ku wajahan yahay dalka Britain ayaa la filayaa in ay saacadaha soo fool leh dalka Jabuuti ka dhoofaan, sidoo kale madaxweyne Geelle oo isana qayb ka ah madaxda shirkaas lagu casuumey ayaa isna u duuli doona magaalada London.

 

Horseed Media