Jabuuti: Tirada dadka uu Ku dhacay Corona oo Korortay

Published: April 13, 2020

Wasaarada caafimaad ee jamhuuriyada Jabuuti ayaa xaqiijiyay in cudurka Coronavirus uu soo ritay 83 qof oo cusub.

Tirada dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus ee dalka Jabuuti ayaa gaadhay 298 qof, waxaana cudurka u dhintay labo Qof. Wasaaradda caafimaadka Jabuuti waxay kaloo xaqiijisay in 41 qof oo uu ku dhacay cudurku ay caafimaadeen oo laga saaray cusbitaalada lagu dabiibayay

Dowladda Jabuuti ayaa bandow ku soo rogtay guud ahaan dalkaasi iyadoo la xiray goobaha dadku isugu yimaadaan iyo iskoolada si looga hortego faafitaanka Cudurka Coronavirus

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *