James Swan oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidda

Published: July 9, 2022

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.

Qoraal uu soo saaray James Swan ayaa waxaa uu ku sheegay in bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay shacabka la wadaagayaan dabbaal-degga Ciidul Adxa, iyaga oo ku jiro dareen ah dib-u-heshiin, niyad wanaag iyo nabad.

“Hambalyo diirran oo ku aaddan Ciidul Adxaa ayaa idin kaga imaanaysa bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,” ayuu yiri James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa intaas la sii raaciyey “Waxaan dadka Soomaaliyeed kala qayb qaadanaynaa xuska maalintan iyo rajadooda ku aadan dib u heshiisiinta, naxariista, midnimada iyo nabadda. “Ciid Wanaagsan”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *