Gudoomiyaha Mudug: ” Burcad-badeeda waa laga sifeeyey Jiriiban iyo deegaanada ku xeeran” [Dhegeyso]

Published: February 26, 2012

Wafdi balaaran oo uu horkacayo gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed yuusf Jaamac ayaa socdaal shaqo iyo kurmeer ku jooga Degmada Jariiban ee gobolka Mudug

Wafdigan oo ka kooban maamulka gobolka Mudug, isimo iyo Aqoonyaho ayaa waxay maalintii labaad kormeer hawleed ku joogaan degaan xeebeedyo hoostaga degmada jariiban ee gobolma Mudug

Godoomiyaha gobolka Mudug maxamed yuusuf Jaamac oo horkacaya wafdigan ayaa khadka teleefoonka aanu kula xariirnay waxaana uu ugu horaytii inooga warbixiyay socdaalka wafdiga uu hogaaminayo iyo meelaha ay ka soo amba baxeen markii hore.

Dhagayso Waraysiga Gudoomiyaha Gobolka Mudug

[powerpress]

Godoomiyaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay shirar ay la la qaateen wafdigiisu maamulka degmada Jariiban iyo shacabka ku nool deegaan waxaana ay kawada hadleen horumarinta deegaanka iyo kor u qaadida adeegyada bulshada sida waxbarshada iyo caafimaadka .

Mr Tigey ayaa dhanka kale ka hadlay hawlgaladii la dagaalanka burcad-badeeda ee looga sifeeyay kooxii burcadbadeeda ee deegaankaas dhibaatada ba’an ku hayay waxaana uu sheegay in haatan ay tahay degmada Jariiban meel aysan ka jirin burcad-badeednimo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusf Jaamac ayaa sidoo kale ka warbixiyay Kormeero ay ku tageen deegaanada Garacad,Kulub ,Dhinawda oo dhamaantoodba ka tirsan degmada jariiban ee gobolka Mudug .

Waxaana uu cadeeyay godoomiye Tigey in dhamaan deegaanadas ay soo mareen uusan ku arag falal la xariira burcad-badeednimo iyo dhibaatooyinkii horay uga jiray ee la xariiray Aafada burcabadeednimada .

Godoomiyaha gobolka mar uu ka hadlayay garoonka diyaaradaha Garacad ayaa waxa uu sheegay in garoonka Garacad uu ka dhisme wanaagsan yahay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo isla markaana ay cajab galisay qaab dhismeedka garoonka iyo goobta istiraatijiyada ah ee uu ku yaalo waxaana mustaqbalka uu noqon doonaa garoon lagu faa’iido.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa ugu danbaytii ugu baaqay aqoonyahanada ,ganacastada gobolka Mudug in ay u istaagaan hormarinta deeganka isla markaana ay ka faaiideystaan kheyraadka dabiiciga ah ee degmada Jariiban .

 

Axmed Maxamed Cali [Caano-Geel]

Horseed Media

Gaalkacyo-Puntland