Jarmalka Oo 66 Milyan oo Euro Ugu Yaboohay Somaliya

Published: October 3, 2019

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somaliya waxaa maanta qalinka lagu duugay mashaariic horumarineed oo ay ku baxayso lacag than 66 Milyan oo Euro oo ay ku deeqday Dowladda Jarmalka.

Qoraal la soo dhigay barta twiterka ee Wasaaradda qorshaynta ayaa Wasiirka wasaaradaasi Jamaal Xasan wuxuu sheegay in Mashaariicdan laga helay dowladda Jarmalka looga faa’iidaysan doono horumarinta beeraha iyo xoolaha, biyaha, dhinacyada Farsamada gacanta, Arrimaha Bani”aadmimada iyo Arrimaha Bulshada

Dowladda Jarmalku waxay ka mid tahay dalalk ka caawiya Soomaaliya mashaariica horumarineed ee dib u kabashada dalka, iyagoo maalgaliyay mashaariic waaweyn oo ka socota Somaliland iyo degaamo kale oo dhulka Somalilada.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *