Jarmalka oo ogalaatay inay Ukraine siiso hubka culus ee dalkeeda lagu sameeyo

Published: January 25, 2023

Dowladda Jarmalka ayaa ogalaatay inay Ukraine siiso hubka culus ee dalkeeda lagu sameeyo gaar ahaan Taangiyada casriga ah ee Leopard 2, kaas oo todobaadyadii lasoo dhaafay cadaadis lagu saarayey Hoggaamiyaha Jarmalka in uu Ukraine siiyo.

Qorshaha Jarmalku Ukraine kusiinayo hubkan culus ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhanka kale Saraakiisha Mareykanku ay sheegeen in Washington ay diyaar u tahay qorshe Ukraine loogu daabulayo Taangiyada M1 Abrams, si ay wax uga badelaan duulaanka culus ee Ciidamada Ruushku kusoo qaadeen Magaalooyinka Dalka Ukraine.

Tallabadan ayaa la filayaa inay si weyn uga caraysiiso Dowladda Ruushka oo markasta reer Galbeedka ku eedaysa inay toos ugu jiraan dagaalka Ukraine.

Dowladda Jarmalka ayaa horey u diiday inay Ukraine siiso hubka culus ee dalkeeda lagu sameeyo.

Horseed Media