Jen. Odowaa Yuusuf Raage Oo Baneeyey Hogaankii Ciidanka Xoogga Dalka

Published: June 19, 2023

Taliyihii ciidamada xoogga dalka, S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa laga qaaday xilkaasi, kadib markii maanta ay golaha wasiiradda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ansixiyeen taliyaha cusub ee bedelaya.

Gen. Odowaa oo ah sarkaalkii ugu da’da yaraa ee qabtay xilka taliyaha ciidanka xoogga ayaa lagu xasuusanayaa xiligiisii guulihii uu ciidanku ka gaaray kooxaha argagixisada oo deegaanada badan laga xoreeyey, waxaana magacaabay madaxweyne Farmaajo sanadkii 2018.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Guuto Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan, taasoo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda Qaranka.

Horseed Media