Jigjiga Oo Laga Bilaabay Talaalka Covid-19

Published: March 13, 2021

Talaalka xanuunka Covid-19 oo dhawaan gaaray dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa shalay si rasmi ah looga bilaabay magaalada caasimada dowlad deegaanka ee Jigjiga.

Xirfadlayaasha caafimaadka ee adeega siiya bukaanada looga shakiyo cudurka Covid 19 ayaa lagu bilaabay talaalka, waxaana daahfurkiisa ka qayb galay madaxweynaha dawlad deegaanka Mustafe Muxumed Cumar ayaa kamid noqday dadkii ugu horeeyey ee lagu duray.

” Talaal noocaan oo kale markuu soo baxo, waxaa barbar socda dacaayaad ay fidiyaan dadyoow aan ahayn bahda caafimaadka, marka dadka waxaan uga digayaa inay talo ka qaataan dadka professionals ee caafimaadka ee dad meel iska fadhiya fadhi-ku-dhirir iyo inay dhagaysanin”

Mustafe Cumar

Tirada talaalka la geeyey dowlad deegaanka Soomaalida ayaa gaaraya 100,008 kaas oo lagag hortagayo xanuunka Coronavirus.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *