Jigjiga: Xildhibaanad oo uu toogasho ku dilay askari ku sugan garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal 

Published: October 25, 2022

Xildhibaanad Juweeriya Subcis oo ka tirsanayd Baarlamanka Deegaanka Soomaalida ayaa ku geeryootey rasaas la sheegey in uu furay askari ka tirsan ciidamada federaalka Itoobiya.

Dilkan ayaa ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jigjiga.

Dad kale oo ay ku jiraan mas’uuliyion ayaa sidoo kale ku dhaawacmay arrintan oo la sheegey in ka dhalatay muran ka dhex dhacay Soomaalida iyo xabashida ka tirsan illaalada garoonka Garaad Wiil-waal.

Laamaha Amniga DDS ayaa lagu soo warramayaa in ay xidheen askariga dilka geystay.

Horseed Media