Ra’isul Wasaaraha Britian Boris Johnson ayaa lagu eedeeyay inuu ogolaansho la’aan uu qaatay qoraal uu leeyahay qof kale oo ku saabsanaa weerarkii argagixiso ee ka dhacay Buundada London.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2019/12/Johns.jpg)
Qoraa aan magaciisa la shaacin ayaa ku eedeeyay inu Ra’isul wasaaruhu uu xaraf xafar u minguuriyay qoraal uu ku daabacay Blooga thesecretbarrister , kadibna uu ku daacay bartiisa twitterka 16 qoraal.
Qoraalka lagu daabacay Boggan Bloggerka ayaa ugu dhaleecaynayay xukuumadda Britian in fasaxday dad uu ku sheegay inay yihiin xagjiriin dhib u gaystay shacabka oo ahayd in xabsiyada lagu hayo.
Ra’isul wasaare Boris Johnson ayaa u ololaynayaa in Britian ka baxdo Midowga yurub ayaa dhammadka Bishan December wuxuu xisbigiisa u tartamaya doorashada iyadoo la aamisan yahay in qoraalo xagjirnimo uu u adeegsanayo olalihiisa.
HORSEEDMEIDA