“Boris Johnson wuxuu aqbalay inuu xilka ka dago”: Warbaahinta Ingiriiska

Published: July 7, 2022

Warbaahinta Ingriiska ayaa sheegaysa in Boris Johnson aqbalay inuu xilka ka dagaayo.

Raiisel wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa oggolaaday inuu iska casilo hogamiyaha xisbiga Conservative-ka, sida ay maanta oo Khamiis ah weriyeen idaacadaha Ingiriiska ee BBC iyo Sky.

Warka Iscasilaadda ayaa daba socdey fadeexado badan oo hareereeyay isaga iyo xukuumadiisa, waxaana wararku sheegayaan in Micheal Gove oo ka mid ah wasiiradii ugu awoodda badan dawladda Ingiriiska uu u sheegay Johnson inuu ku qasban yahay inuu is-casilo.

Johnson ayaa markii hore diiday in uu iscasilo, in kasta oo in badan oo ka mid ah Wasiiradiisi ay is-casileen si ay culeys u saaraan, maadaama uu maalintii Arbacada ee shalay uu baarlamaanka kala kulmay dhaleeceyn.

Sida ay sheegayso Wabaahinta Ingriisku Boris Johnson ayaa xilka sii hayn doona inta Hoggaamiye Xisbigiisa ah la dooranaayo.

Hanad Askar – Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *