Jowhar: Baarlamaanka Hirshabeelle oo ansixiyey 80-ka Wasiir ee Guudlaawe magacaabey 

Published: August 3, 2022

Xidlhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta ansixiyay Golaha cusub ee Xukuumada Hirshabeelle ee uu dhowaan magacaabay Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Natiijada Ansixinta golaha wasiirada Hirshabelle waxaa ogalaatay 80 xildhibaan halka ay diideen 3 ka mid xildhibaanada.

Anixisinta kadib Golaha Wasiirada ayaa isla xarunta Baarlamaanka lagu dhaariyey si ay u guda-galaan waajibaadkooda shaqo.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa uga mahadceliyay Mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabeelle ansixinta Golaha cusub ee Xukuumadiisa.

Madaxweynaha ayaa Gudoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka la wadaagay waxqabadka looga fadhiyo xukuumadiisa cusub waxa uuna sheegay in si deg deg looga howlgali doono arrimaha amniga, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo baahinta adeegyada Bulsho. 

Guudlaawe

Ugu dambeyn Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa balanqaaday in si dhow ay u wadashaqeyn doonaan Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiiirada waxa uuna codsaday in wasiirada lagula xisaabtamo waxqabadkooda shaqo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *