Published: November 10, 2024
by: Ali. Y
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegtay inay hakisay xiriirkii dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay ka shaqaysay hagardaamada shacabka Jubaland, waa sida ay sheegeene.
War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubaland ayaa lagu sheegay inay dowladda Federaalku hor istaagtay dadaalada lagula dagaalamayo argagixisada Alshabaab, iyadoo xagal daacisay wajiga labaad ee ay Jubaland bilowday.
Sidoo kale, Jubaland waxay sheegtay in la hor istaagay inay doorashooyinkeeda qabsato, si aawadeed waxay cadaysay Jubaland in ay hakisay xiriirkii wada shaqayneed ee ay la lahayd dowladda Federaalka Soomaaliya.
Horseed Media