Jubaland Oo Ka Hadashay Heshiiska Dowladda Soomaaliya iyo Cabdirashiid Janan

Published: March 25, 2021

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in ku biiritaan Janan ee uu ku biiray Dowladda Federaalka uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin maamulka Jubbaland, waxaana uu intaa ku daray in Mowqifk Jubbaland aysan waxna iska beddeli doonin.

Wasiirka oo wareysi siiyay BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa faah faahiyay arrimaha Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in dowladda federaalku mar xirtay Janan oo tiri waa dambiile, haddana iyadaa diyaarado & wasiiro u soo dirsatay.

”Heshiiskaasi mar danbe ayaan ka war helnay muhiim ma’aha waqtigii uu soo socda wada hadalkan, laakiin waxaa muhiim ah in uu hadda heshiis dhacay, annaga ka Jubbaland ahaan waxba iskama badalin mowqifkeenii Gedo, ciidamadiina sidoodii ayey u joogaan aagagii aan ugu talagalnay “

Wasiirka Warfaafinta Jubaland

Cabdirahiid Janan oo maalintii shalay la hadlay BBC ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya la gudagali doono dhismaha Jubbaland loo dhan yahay, maadaama ayuu yiri waligeedba aan heshiis lagu noqon.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *