Jubaland oo lagu wado in ay wadatashi ugu yeerato Xildhibaanadeeda Federaalka ku metala

Published: October 31, 2024
by: Horseed Staff

Kadib marii habeenkii xalay ee Khamiista Jubaland ay si rasmi ah u caddeysey mowqifkeeda ku aadan doorashooyinka ayna eedafeyeen shirkii ay isaga baxeen ee Muqdisho ka socdey ayaa lagu wadaa in wadatashi loogu yeero xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doorto Jubaland.

Sida ay ogaatey Horseed Media inta badan Xildhibaanada laga soo doorto Jubaland ayaa dhabarka u jeediyey raysalwasaare Xamse Cabdi Barre oo isagana Jubaland ka soo jeeda, taas oo dhabarjab ku ah hoggaankiisa xukuumadda DanQaran.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa isu diyaarinaya qabashada doorasho la aaminsan yahay in uu isagu ku soo baxaayo. Doorashada Jubaland ayaa markasta muran ka dhex aloosta dowladda federaalka. Axmed Madoobe oo ahaa jamhad islaami ah ayaa dib ugu noqdey Kismaayo sanadkii 2012 isaga oo taageero ka helaayo ciidamada KDF, kadib waxa uu halkaas kaga dhawaaqey dhismaha Jubaland oo loo sameeyey maamul kumeelgaar ah, waxaana ka horyimid Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sanadkii 2013 ayaa Adis Ababa lagu gaarey heshiis Dowladda federaalka iyo Jubland, mudadii kumeel-gaarka hayd markii ay dhamaatey sanadkii 2015 waxa uu qabsadey doorasho uu ku guuleystey, mar kale waxaa dib loo doortey sanadkii 2019 taas oo muran badan dhalisey isla markaana aysan jirin cid kula tartantey.

Waxaa dhawaan loo beddeley dastuurka Jubaland oo dhigaayey in aan laba jeer ka badan la dooran karin waxaana laga dhigey muddo furan.

HORSEED MEDIA