Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegay inuu si madax banaan ula macaamili doono hay’adaha bixiya mashaariicda horumarinta
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada, kaasoo lagaga hadlay arrimaha amniga, qulqulatooyinka ay dowladda federaalka ka abuurtay deegaanada Jubaland.
Golaha Wasiiradda Jubaland ayaa go’aamo kasoo saaray xayiraadaha duulimaadyada shacabka, siyaasaddeeynta mashaariicda horumarinta iyo gargaarka, abaabulka dagaalka iyo colaadaha ay dowladda federaalka ka hurinayso deegaanada Jubaland.
Dhanka kale, Golaha wasiiradda ayaa go’aamiyey in inta laga helayo dowlad ku shaqaysa nidaamka Federaalka ah iyo shuruucda dalka u yaalla, arrimaha mashaariicda horumarinta, dhamaan daneeyayaasha beesha caalamka iyo taageerayaasha kala duwan ee taageera inay Jubaland ula macaamilayso si madax banaan.
War saxaafadeed kasoo baxay golaha wasiiradda Jubaland, hoos ka akhriso:
Horseed Media