Wasiir kuxigeenka Wasaarada Aminga Gudaha Aadan Axmed Xaaji ayaa amray taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee maamulka…
Wasiir kuxigeenka Wasaarada Aminga Gudaha Aadan Axmed Xaaji ayaa amray taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee maamulka Jubaland in ay fuliyaan qorshaha lagu sugayo amniga Jubaland inta lagu jiro xaaladaha doorashooyinka.
Musharixiinta doonaaya in ay u tartamaan Madaxweynaha Jubaland ayaa loo sheegay in aysan kaxaysan karin ciidamo gaar ah oo ay iska diiwaan geliyaan Booliska kadibna la siin doono ciidamo amnigooda ilaaliya oo Booliska Jubaland ah.
Madaxweynaha Jubaland ayaa ka baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, kadib markii uu diidey in muddo xileedka doorashada loo jaangooyo oo loo sameeyo muddo kordhin kale si loo qabto doorasho qof iyo cod ah. Axmed Madoobe ayaa doonaya in uu qabsado doorasho markii saddexaad uu ku guuleysto kadib markii loo beddalay dastuurka in uu markii saddexaad la dooran karo, taas oo horey ugu ekeyd laba jeer oo keliya.
Maalintii shalay waxaa Kismaayo tegay Ergo dhex-dhexaadin ah oo ka tegay Kenya kuwaas oo Axmed Madoobe sheegay in uu soo dirsadey Madaxweyne Xasan Sheekh, si ay u dhex-dhexaadiyaan.
Dhanka kale waxaa lagu wada in maanta oo Salaasa ah xildhibaanada Jubaland ay tagaan Kismaayo si ay uga qaybgalaan shir wadatashi.
Qodobada Amniga lagu sugaayo oo sideedi u qoran:
- Dhamaan Ciidamada Qalabka-sida ee Jubaland waxaa la farayaa in ay galaan heegan buuxa oo lagu xaqiijinayo amniga dhamaan deeganada dowladda Jubaland, sidoo kale dhamaan ciidamada qalabka-sida waxaa la farayaa in aysan ku milmin siyaasadda oo ay ku ekaadaan xeryahooda iyo goobahooda shaqo.
- Waxaa mamnuuc ah in askari hubeysan oo aan waajibaad shaqo kujirin lagu arko goob aan ahayn goobtiisa shaqo.
- Dhamaan Musharraxiinta iyo Daneeyayaasha ka qayb galaya Doorashada Dowladda Jubbaland waxaa lagu wargelinayaa in amaankooda ay sugayaan Ciidanka Booliska Dowladda Jubbaland, sidaa darteed waa inay la xiriiraan taliska Ciidanka Booliska Jubaland si loo silyo ciidmo sharci ah oo suga amaankooda.
- Amaanka Deegaanada Dowladda Jubaland waa mid la isku haleyn karo, waxaana mamnuuc ah in la abuuro ciidamo beeleedyo u abaabulan hab qabiil oo lagu khalkhal gelinayo xasiloonida iyo nabadda kajirta dhamaan deegaanada Dowladda Jubaland.
- Ugu dambeyn, Cid kasta oo ka qayb qaadata falal amni darro iyo kuwo argagaxiso ama u hoggaansami weydo qodobada kor ku xusana, waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan.
Gen. Aden Axmed Xaaji.
Wasiir ku xigeenka ahna kusimaha Wasiirka Amniga Onda Fowladda Jubbaland.
HORSEED MEDIA