Jubaland: Shirka Isku-dubaridka Xasilinta Soomaaliya oo ka furmay Kismaayo

Published: June 19, 2023
Shares32

Waxaa si rasmi ah magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland uga furmay shirka isku dubbaridka xasilinta Qaran oo ay soo agaasintay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa rasmi ah u furay Shirka.

Shirka isku dubbaridka xasilinta Qaran ee ka furmay magaalada Kismaayo, waxaa kasoo qaybgalay wasiirrada arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada dalka, wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda Federaalka oo ay shaqadoodu la xiriirto arrimaha Xasilinta iyo Saaxibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera arrimaha Xasilinta.

Horseed Media