Jubbada Hoose – Ciidamada DANAB iyo kuwa Jubbaland oo wada howl-galo amni

Published: January 22, 2020

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa xalay ilaa saakay ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa laba Maalin ka hor waxaa ay dagaal xoogan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ay duleedka degmada Jamaame kula galeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab,waxaana saraakiil hoggaamineysa howlgal ay sameeyeen inay deegaano kula wareegeen.

Taliyaha Guutada 4aad ee DANAB Gaashaanle Xasan Maxamed Ciraaqi ayaa sheegay in Ciidamada ay la wareegeen deegaannada,Bangeeni,Koban iyo Baladul Raxma iyo deegaano kale,isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen dagaal ay la galeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada ay weli wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan,isla markaana la maqlayo rasaas mararka qaar dhaceysa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *