Jubbaland " Janan weli waa Wasiirka Amniga Jubbaland"

Published: February 1, 2020

Madaxtooyada Maamulka Jubbaland ayaa waxay xaqiijisay in Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) uu weli yahay Wasiirka Amniga ee Maamulka Jubbaland.

Abshir Maxamed Cabdi (Abshir Colow), Agaasimaha Madaxtooyada Jubbaland ayaa tibaaxay in Cabdirashiid Janan uu weli ku magacaaban yahay Wasiirka Amniga Jubbaland.

Agaasimaha ayaa iftiimiyay inaysan jirin meel xilka looga qaaday Cabdirashiid Janan, shantii bilood ee ugu dambeysay, isla-markaana uu ku xirnaa Magaalada Muqdisho.

“Cabdirashiid weli waa Wasiirkii Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Amniga, meel looga qaadayna ma jirto, xarigiisuna sharci-darruu ahaa. Weli anagu wuxuu noo yahay Wasiirkii Amniga.” Ayuu yiri Agaasimaha Madaxtooyada Jubbaland.

Wasiir Janan ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo uu u tagey arrimo la xiriira, sidii uu baaritaan caafimaad ugu mari lahaa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *