Jubbaland oo guul ka sheegatay dagaal ay la gashay Al-Shabaab

Published: October 7, 2019
Abbaanduule khiyaar Cabdi Maxamed

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen ilaa 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Howl-galkan ayay ciidamadu ka fuliyeen tuulooyin hoos yimaada degaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 55km dhanka bari ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Abaanduulaha Guutada 1-aad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Khiyaar Cabdi Maxamed ayaa xaqiijiyay in xubnaha howlgalka lagu dilay uu ka mid ahaa madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa degaannada galbeed ee degmada Kismaayo.

Khiyaar ayaa cadeeyay in malayshiyaadka la dilay ay ku jiraan xubno miinooyinka u qaabilsanaa Al-shabaab oo uu magacyadooda ku sheegay Tasmiir iyo Cadaani kuwaas oo ay ciidamada Jubbaland ay muddo ku raad joogeen, sida uu sheegay.

Daraawiiishta Jubbaland ayaa sheeganaya hadda in ay gacanta ku haya islmarkaana xaqiijiyeeb amaanka tuulooyinka hoos yimaada degaanka Cabdalla Biroole.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *