Jubbaland oo ka hadashay ciidamo la sheegay inay u goysteen DFS

Published: November 9, 2019
Sawir hore – Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kawado gobolka Gedo ee Koonfurta dalka.

Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in degmooyinka gobolka Gedo ay joogaan hal ciidan, kuwaasi oo diyaar u ah dagaalka Al-Shabaab.

“Horta Beled-Xaawo, Luuq iyo Doolow waxaa joogga hal ciidan oo ah ciidanka Soomaaliyeed, oo ammaanka ilaaliyo oo waajibaadkiisu uu yahay la dagaalanka Al Shabaab. waxaa jira ciidan dhallinyaro ah oo ka tirsanaa ciidankii Beled-Xaawo oo aaday Magaalada Luuq, iyaguna waxay u taggeen ciidankoodii kale oo joogga Luuq, wax dhib ah oo ka taagana ma jiro, mar walbana way dhacdaa in ciidan meel lagu ogaa ay si amar la’aan ah ama sabab la xiriirta khilaaf dhex mara iyaga iyo madaxdooda uga taggaan xarumahoodii” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo la hadlay BBC.

Dhanka kale, Maxamuud Sayid ayaa ka hadlay wararka ku aadan in gudoomiyayaashii degmooyinka gobolka Gedo ee Jubbaland ay isku dhiibeen dowladda Ethoipia.

“Xuduuddaas dheer ammaankeeda waxaan iska kaashanaa deegaanada dariska nala ah, Kenya ha ahaato ama Ethiopia. Saraakiisha amniga iyo maamuladaba waxaa ka dhaxeeya kulamo bishiiba mar la isugu taggo oo lagu qiimeeyo arrimaha ammaanka.”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *