Jubbaland oo maantay dib ugu celisay Saraakiil NISA ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Published: August 15, 2018

 

Maamulka Jubbaland ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ka soo musaafurinayeen saraakiil ka tirsan hay`adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA.

Hay`adaha ammaanka Jubbaland ayaa shalay waxa ay garoonka Kismaayo ku qabteen Cali Mire Ducaale iyo Maxamed Ibraahim oo la sheegay iney kala ahaayeen taliye iyo ku xigeenkiisa oo dowladda federaalka u magacawday Taliyaha iyo ku xigeenkiisa NISA Jubbaland .

Sida wararka ay sheegayaan waxay saraakiishan xalay ku hoydeen xarun ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin Garoonka Kismaayo, iyaga oo saakayna loo soo celinayo magaalada Muqdisho.

Saraakiil u hadashay Jubbaland ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee ay usoo celinayaan saraakiishan ay tahay inaan wax talo ah laga gelin markii hore ee lasoo magacaabayey Jubaland aanay war ka hayn arintaan lagana talagelin magacaabidooda Maamul ka Jubaland.

Horey Jubbaland waxay Kismaayo uga soo celisay taliyahii qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka, wallow markii dambe xal laga gaaray.

 

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *