Jubbaland oo markale sheegtay inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhan ah Al-shabaab

Published: November 27, 2022
Shares6

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhan ah Al-shabaab ee socda qaar kamid ah gobolada ee ay ku sugan yihiin.

Wasiirka Amniga Jubbaland Gen. Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas iyo kuwa Federaalka ay u diyaarsan yihiin howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in Jubbaland ay ka go’an tahay sidii gacanta uga dhigi lahayd deegaannada ka maqan.

Gen. Yuusuf Dhuumaal ayaa tilmaamay in Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ay kawada hadleen fulinta howlgallo.

Jubbaland waxaa si buuxda gacantooda uga maqan Gobolka Jubada Dhexe, iyadoo Madaxda Jubbaland ay dhowr jeer ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-shabaab si gacanta ay uga dhigaan deegaannada ka maqan balse aan weli lagu dhaqaaqin.

Horseed Media