Jubbaland oo sheegtay iney baareyso ciidan xasuuq u geystay dad shacab ah

Published: July 3, 2022

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa si kulul uga hadlay wararka sheegaya in ciidamada Jubbaland iyo kuwa Danab ay xasuuq ka geysteen deegaan hoostaga magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo Qudus.

Sayid Aadan oo kulan la yeeshay xildhibaano ka tirsan Jubaland ayaa sheegay inay cabasho kasoo gaartay howlgal ciidanka Danab iyo kuwa Jubbaland ka sameeyeen deegaanka Qudus oo qiyaastii 65 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in baaris agu sameeynayo dhacdadaas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac la gaarsiiyey dad shacab ah.

Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday in dabagal, kadib uu maamulku qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, si loola xisaabtamo ciidamadii geystay falkaas.

Odayaasha dhaqanka ee tuulada Qudus ayaa horey warbaahinta ugu sheegay sheegay in ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ay tuuladaas gubeen, sidoo kale ay ka geysteen dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanti dadweyne.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *