Jubbaland Oo War Kasoo Saartay Shirka 15ka Febraayo

Published: February 10, 2021

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa war kasoo saartay shirka Garoowe ee uu ku baaqay madaxweynaha xil-gaarsiinta dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu soo dhoweeyey shirka hase ahaatee goobta uu shirku ka dhacayo ayaa lagu baaqay inay noqoto magaalada Muqdisho.

” Dowlada Jubbaland waxay soo dhaweynaysaa kana qeybgaleysaa shirka watashiga arrimaha doorashooyinka ee 15 Febraayo.Dowlada Jubbaland waxay ku talineysaa in Shirkaasi uu ka dhaco magaalo madaxda dalka ee Muqdisho si ay uga soo qeybgalaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliyeed natiijo wadar ogol ahna uga soo baxdo.”

Jubbaland

Sidoo kale dowlada Puntland ayaa si lamid ah usoo dhowaysay shirka Garoowe ee Farmaajo xalay ku dhawaaqay, waxayse sheegtay in lagu qabto Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *