Raysalwasaaraha Kanada Justin Trudeau ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo is-casilaad

1 day ago

Raiisel wasaaraha Kanada Justin Trudeau ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo iscasilaadiisa maalmahan iyadoo ay jiraan mucaaradad gudaha ah oo xisbigiisa dhexdiisa ah, sida ay sheegeen warbaahinta Kanada.

Sida laga soo xigtay wargeyska The Globe and Mail, ku dhawaaqista is-casilaada ayaa iman karta maanta oo Isniin ah. Xisbigiisa Liberalerna waxa uu leeyahay shir weyn maalinta arbacada, sida ay sheegayaan ilo-wareedyada, Trudeau waxa uu doonayaa in uu ku dhawaaqo is-casilaadiisa ka hor wakhtigaas.

Baahida loo qabo in Trudeau uu iscasilo ayaa kor u kacdey inta lagu jiro dayrtan. Bishii Sebtembar, xisbiga NDP ee dimuqraadiga ah ayaa ka baxay dawladdii wadaaga ahayd, taas oo macnaheedu yahay in xukuumaddu lumisay aqlabiyaddii ay ku lahayd baarlamaanka.

Mucaaradka ayaa isku dayey in la qabto doorasho cusub. Xisbiga muxaafidka ah ee Tory ayaa ku horeeyo codbixinta oo si weyn ugu guulaysan kara haddii doorashada maanta la qabto.

Justin Trudeau waxa uu ra’iisul wasaaraha Canada hayay muddo sagaal sano ah. Doorashada soo socota ee Kanada ayaa loo qorsheeyay Oktoobar 2025.