Juxa: “DKG ah Deeqaha waxbarasho ee Turkiga si siman uma qaybiso” [Dhegeyso]

Published: February 12, 2012

Wasaarada waxbarashada ee Puntland ayaa dhaliishay qaabka ay dowlada KMG ah ee Soomaaliya ku qaybiso deeqaha waxbarasho ee ay dibadda ka hesho gaar ahaan dalka Turkiga.

Wasiirka wasaarada waxbarashada ee Puntland Cabdi Faarax (Juxa) oo maanta xafiiskiisa magaalada Garoowe Saxaafadda shir ugu qabtay ayaa sheegay in ardayda Puntland aan wax laga siin saamigii ay ku lahaayeen deeqaha waxbarasho ee ay DKG ahi soo hesho.

Mr juxa ayaa dhinaca kale sheegay inay jiraan arday badan oo Puntlanders ah kana mid ah kuwii u fariistay Imtixaankii loo galay deeqihii waxbarasho ee ay dowlada Turkigu bixisay kuwaas oo aan horay loo qaadin balse loo sheegay in fursadaha danbe laga qayb gelin doono islamarkaana weli magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale iska fadhiya wax jawaab ahna aan lasoo siin.

Dhegeyso codka Mr Juxa

[powerpress]

Cabdi Faarax Juxa ayaa dhinaca kale ku dhaliilay maamulka wasaarada waxbarashada ee DKG ah ee Soomaaliya inay yihiin kuwo mas’uuliyadoodii ka gaabiyey islamarkaana aan ka jawaabin cabashada ka imaanaysa dhanka ardayda iyo maamulka wasaarada waxbarashada ee Puntland.

Wuxuuna ugu baaqay madaxda sare ee Soomaaliya inay arintaas il gaar ah ku eegaan maadaama ay horay Puntland iyo DKG ahi u kala saxiixdeen heshiis ku aadan dhinaca qaybsiga deeqaha waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada ee Puntland Cabdi Faarax (Juxa) ayaa ugu danbeyntii u mahad celiyey dowlada Turkiga gaar ahaan Ra’iisul wasaare Rajep Tayyib Erdogan oo isagu indhaha caalamka Soomaaliya kusoo jeediyey.

Ma ahan markii horeysey ee ay maamulka wasaarada waxbarashada ee Puntland arintan ka hadlaan, haseyeeshee waxaa mudooyinkii danbe jirey cabashooyin noocan ah oo kasoo yeerayey dhamaan bahda waxbarashada ee Puntland.

 

Horseed Media