Afar Xisbi oo ku heshiiyey dhismaha maamulada Garowe, Dangorayo iyo Godob-jiiraan

3 November, 2024

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa rasmi ah u shaacisay heshiiska xisbiyada siyaasadda Puntland ee dhismaha goleyaasha…

Cabdulqaadir Geedi duqa degmada Garoowe

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa rasmi ah u shaacisay heshiiska xisbiyada siyaasadda Puntland ee dhismaha goleyaasha deegaanka 3-da degmo ee Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan ee gobolka Nugaal.

Xisbiyadda Siyaasadda Puntland ee Kaah, Mideeye, Runcad iyo shaqaalaha ayaa ku heshiiyey inay wada dhistaan goleyaasha deegaanka degmooyinka gobolka Nugaal, xisbiyadan ayaa yeeshay isbahaysi siyaasadeed oo ay ku wada dhisanayaan guddoomiyaha iyo guddoomiye kuxigeenka.

Xisbiga Kaah ayaa lagu heshiiyey inuu qaato xilalka guddoomiyayaasha degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo GodobJiiraan, halka xisbiga Mideeye uu isna helay guddoomiye kuxigeenka degmooyinka Dangorayo iyo Godobjiiraan, waxayna kala yihiin sidan:

A. In Kaynaan Cabdi Jaamac Xirsi uu noqdo Musharaxa Guddoomiyaha Degmada Godob-jiraan. (Xisbiga Kaah).

B. In Maxamed Axmed Saalax uu noqdo Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Godob-jiraan. (Xisbiga Mideeye).

A. In Xaamid Axmed Xaaji Maxamed uu noqdo Musharaxa Guddoomiyaha Degmada Dangorayo. (Xisbiga Kaah).

B. In Axmed Ciise Saciid uu noqdo Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Dangarayo. (Xisbiga Mideeye).

A. In Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) uu noqdo Musharaxa Guddoomiyaha Degmada Garowe. (Xisbiga Kaah).

B. In Maxamed Cali Maxamed (Xamari) uu noqdo Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Garowe. (Xisbiga Kaah).

Horseed Media