Kalfadhiga 2aad ee labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmay

Published: November 15, 2022
Shares10

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay kalfadhiga labaad ee labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka waxaa goobjoog ahaa Ra’iisul wasaaraha XFS, guddoonka labada Aqal iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Goboleedyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad dheer ka jeediyey kulanka ayaa xildhibaanada warbixin guud ka siiyey xaaladda dalka, gaar ahaan howlgallada ka socdo dalka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa Baarlamaanka la wadaagay warbixin ku saabsan safaradii kala duwanaa ee uu ku bixiyey qaar ka mid ah dalalka caalamka.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa ka dalbaday Baarlamaanka inuu qaato doorkiisa ku aadan xaaladda dalka iyo sidoo kale meel-marinta shuruucda muhiimka ah ee hortaallo.

Horseed Media