Kalfadhiga Baarlamaanka JFS oo Furmay

Published: July 6, 2024

Waxaa maanta xarunta golaha shacabka ee Villa Hargeysa ka furmay kalfadhigga 5-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.

Kalfadhigan ayaa waxa Khudbad dhinacyo badan ka jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa khudbadiiss uga hadlay Damaca Gurracan ee Itoobiya isagoo madaxweynuhu Caddeeyey in Itoobiya adduunka ka tuugayso Soomaaliya nala heshiisiiya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay Dagaal qabiileedyada soo noqnoqday iyadoo Madacweynuhu xusay in ay ka mid yihiin qorsheyaasha Cadowgu soo maleegay.

Horseed Media