Karaash Oo Garoowe Kusoo Laabtay (SAWIRO)

Published: August 13, 2020

Kusimaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe.

Waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey masuuliyiin ay kamid yihiin guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiilada Ismaaciil Maxamed Warsame, wasiiro, xildhibaano, sarakiil ciidan, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe iyo saraakiil Ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa muddo bil ah safar caafimaad iyo mid shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga, sida uu isagu warfidiyeenka ugu sheegay qaybta soo dhowaynta ee garoonka diyaaradaha Garoowe.

Dhanka kale Karaash ayaa ka tacsiyeeyey saraakiishii iyo ciidamadii ku geeriyooday howgalkii xerada Kabka ee magaalada Gaalkacyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *