Karaash Oo Guddoomiyey Shirka Maamul baahinta Puntland

Published: June 30, 2021

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobaleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta shir-Guddoomiyay shirka Maamul baahinta Puntland oo ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Puntland.

Shirka maamul baahinta Puntland waxaa ka qeybgalay Wasiirada bah-wadaagta ku ah mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG iyo daadejinta adeega Dowladaha Hoose ee Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha maamul baahinta iyo mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland, iyadoo la hubinayo adeegyada Dowladdu u qabato Bulshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *