Karim Benzema oo ku guuleystay abaal-marinta ballon d’or-ka ee sanadkan 2022

Published: October 18, 2022

Laacibka kooxda Real Madrid ee Muslimka ah Karim Benzema ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or kaddib xilli ciyaareed uu wacdaro ka dhigay garoomada oo kooxdiisa Real Madrid u qaaday Champions League, LaLiga, UEFA Super Cup iyo koobab kale oo garab socday, halka dalkiisana uu ka caawiyey UEFA Nations League.

Zinedine Zidane ayaa fagaaraha uga yeeray Benzema oo gudoonsiiyey abaal-marinta Ballon d’Or.

Benzema oo 34 jir ah ayaa waxaa uu ahaa laacibka aan lagu muransanayn ee sannadkan u qalmayay inuu qaato abaal-marintan ee la isku wada raacsanaa.

Sadio Mane ayaa galay Kaalinta labaad isagoo ka sare maray Kevin de Bruyne oo kaalinta saddexaad ku dhamaystay halka Robert Lewandowski uu ka qaday saddexda sare oo uu booska kaalinta afraad u dhaadhacay.

Karim Benzema ayaa sannadkii hore ku dhamaystay kaalinta afraad ee abaal-marinta Ballon d’Or, halka uu sannadkanna ku guuleystay abaal-marinta ugu qiimaha badan.

Sidoo kale waxaa uu noqday ciyaartoygii siddeedaad ee isagaoo Real Madrid u ciyaaraya ku guuleystay abaal-marintan Ballon d’Or.

Horseed Media