Karim Khan oo loo doortay Xeer-illaaliyaha Maxkamada Caalamiga ah Danbiyadda- ICC

Published: February 13, 2021

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa doortay Xeer illaaliyaha cusub ee Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyadda ICC, 72 wadan ayaa codkooda ku taageeray Karim Khan oo ah 50 sano jir heysta dhalashada dalka UK.

Karim Khan ayaa horey usoo ahaan jiray Qareen khibrad dheer ulleh arrimaha Xaquuqul Insaanka, wuxuuna horey usoo hogaamiyey guddigii UN-ta ee baarayey danbiyadii dagaal iyo xasuuqii ay geysteen kooxda ISIS (Daacish).

Xalay ayey Golaha Qaramada Midoobay codka u qaadeen xubnaha u tartamayey xilkaasi isagoona wareegii 2aad helay codka 72 wadan oo ka badan 62dii cod ee laga rabay.

Karim Khan ayaa bedalli doona Xeer-illaaliyihii hore haweenayda lagu magacaabo Fatou Bensouda oo kasoo jeeda dalka Gambia.

Maxkamada ICC oo fadhigeedu yahay dalka Holland ayaa ah midda lasoo taago dadka loo heysto danbiyada dagaal iyo xasuuqyada caalamka ka dhaca, waxaana maxkamadan si rasmi ah u aqoonsan 123 wadan oo kamid ah dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Waa markii ugu horeysay taariikhdii Maxkamada ICC oo soo shaqeenaysay muddo 20 sano ah loo baahdo in wadamada Qaramada Midoobay codka u qaadaan cidda noqoneysa xeer-illaaliyaha xiliyadii hore ayey dalalka dhexdooda iska soo xuli jireen shaqsiga xilkan qabanaya oo lagu heshiin jiray iyadoo aan codbixin laqaadin.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *