Keating: Cawaaqib ayaa Ka Dhalan Kara Isdabamarin Lagu Sameeyo Doorashada

Published: January 27, 2017

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliya Micheal Keating ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara haddii madaxweynaha soo socda lagu doorto sifo musuqmaasuq iyo isdabarin ah, wuxuuna sheegay inay muhiim tahay in dorashadda madaxweynaha Soomaaliya ee bisha dambe ay u dhacdo si xor iyo xalaal ah oo aan lahay musuqmaasuq.

Keating oo waraysi siiyay Idaacadda VOA-da,wuxuu soo dhaweeyay shaqada guddiga wadajirka ee doorashada madaxweynaha oo uu sheegay inay howl muhiim ah qabteen, uuna ku raacsan yahay inay diideen in la dedejiyo ama dib loo dhigo doorashada sida ay dalbadeen murashixiinta

” ilaa iyo hadda waxay sameeyeen guddiga, waxaan la dhacay inay sameeyee guddiga ka caawiya doorashada, kuwasoo ay ku jiraan dad aan siyaasiyiin ahayn waxaa i cajabiyay in lacagaha murashixiintu ay dhiibaan %50 loogu deeqo dadka abaaruhu ay saameeyeen.

Keating wuxuu sheegay inuu ka warqabo walaaca dadka soomaaliyeed ay qabaan ee la xiriirta musuqmaasuqa hareeyay doorashadda sida midii ka dhacday doorashadii barlamaanka, wuxuuna caddeeyay in doorashada ay noqonto mid xalaal ah.

” waxaa muhiim ah oo la ogaaday in doorashada Soomaalidu ay muujinayso sida ay awoodu u shaqayso, waxay shaashada ka arkaan muhiim ma aha inay jecladaan ma eedayn kartida doorashada laakiin Musuqmaasuq Soomaaliya waa ka jiraa oo doorashooyinkii dhacay waa lagu akray” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay

” Waa run welwel ka dhashay doorashadii xubnaha barlamaanka ee codadka lagu kala iibsanayay, balse waa muhiim in nidaamka iminka doorashadu uu noqdo mid xor ah oo xalaal ah oo isdaba marinta la yareeyay, waa muhiim in murashixiintu ay anshaxa ilaaliyaan”

Keating wuxuu sheegay in beesha caalamku aysan awood u lahayn inay faragaliyaan doorashada madaxtinimada Soomaliya hase yeeshee wuxuu ka digay cawaaqibka ka dhalan kara haddii si musuqmaasuqa oo sharci darro ah lagu soo doorto madaxweynaha Soomaaliya.

“Qaangaarnimada Siyaasadda Soomaaliya waxaa ka mid ah in iyagu ay maamushaan arrimahooda siyaasadda, Haddii soomaalidu aragto in madaxweynaha Soo socda lagu doorto isdabamarin iyo nidaam sharci darro ah, waxaa la hoosaasiyay karaankiisii la shaqaynta ahaa ee fulinta dowladda federaalka ah iyo barlamaanka haddii aanba khatar la gelin, taasina waxa ugu dambeeyay ee aan filayno”

Gabagabadii, Hadalka digniinta ah ee Wakiilka Qaramada ee Soomaaliya wuxuu ku soo aadayaa iyadoo Xubnaha labada aqal ee barlamaanku ay sameeyeen guddiga doorashada, islamarkaana la mudeeyay xiliga doorashada madaxtinimada soomaaliya oo ku beegan 8 febraayo , lana bilaabay diiwaangalinta doorashada murashixiinta u tartamaya madaxweynaha Soomaaliya.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *