KENYA: 43 Qof oo laga cabsi qabo in ay dhinteen kadib markii dooni la degtey

Published: April 29, 2024
Shares14

Ugu yaraan 43 qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen kadib markii dooni ay la socdeen ay la qalibantay xilli ay marayeen wabiga Tana ee degmada Gaarisa ee dalka Kenya.

Dadka Rakaabka ah ayaa ka yimid Nairobi waxaa wararku sheegayaan in doonida ay ka raaceen meel u dhow Kona Punda, oo ku dhow wadada isku xirta Gaarisa iyo Madogo ee Waqooyi Bari Kenya.

Roobab mahiigaan ah oo gobolka ka da’ay ayaa la rumeysan yahay inay sababeen in wabiga Tana uu fataho, waxaana gobolka ka jira dabaylo xooggan. Laanqeyrta cas ee Kenya ayaa ku warameysa in ay u badan tahay in doonta ay rogmatay intii lagu guda jiray isku dayga in laga gudbo webiga.

Rakaabka ayaa lagu soo waramayaa in ay ahaayeen dad reer Gaarisa ah oo doonayay in ay dib ugu laabtaan guryahoodii, sababo la xiriira daadad deg deg ah oo dalka oo dhan ka dhacay oo ka dhashay roobab aan kala joogsi lahayn.

Waxaa socda dadaallo lagu samatabixinayo dadka dhintay, balse ma jirto wax war ah oo kasoo baxay oo ku aadan tirada dadka badbaaday.

HORSEED MEDIA