Kenya ayaa soo jeedisay heshiis badeed lagu xalaaleysanayo kheyraadka Soomaaliya

Published: April 12, 2024

Sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Kenya ayaa soo bandhigtay heshiis dhinaca badda ah oo lagu qaboojinayo xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, xiisaddaas oo salka ku haysa ku xadgudubka Itoobiya ee madaxbanaanida qaranka Soomaaliyeed.

Itoobiya oo aan bad lahayn ayaa 1-dii Jannaayo oggolaatay inay 20 km (12 mayl) ka hesho xeebta Somaliland, oo ah qayb ka mid ah Soomaaliya oo sheegata madax-bannaani, Somaliland ayaa sheegatey in ay ku beddalanayso suurtogalnimada aqoonsi ay hesho.

Taasi waxay keentay fal celin adag oo ka timid Soomaaliya waxayna sii hurisay walaaca heshiiska inuu sii khalkhal galiyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

Heshiiska ay Kenya soo jeedisay waxaa wax ka og dowladda Jabuuti oo iyadu dhacda badda cas, heshiiskaas ayaa lagu maamulayaa sidii dawladaha aan badda lahayn ee gobolka ay u heli lahaayeen dekedo ganacsi, Korir Sing’oei, xoghayaha arrimaha dibadda ee Kenya ayaa sidaas u sheegay Reuters.

“IGAD waxay awood u yeelan kartaa inay dejiso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda,” ayuu yiri, Korir.

Siihayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar Balacad ayaa arrintan ku tilmaamey mid aan waxba ka jirin oo sal iyo raad toona aan lahayn waxaana uu qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku yiri:

Wararka ku saabsan heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa midnimada dhulkeeda. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Haddii la aqbalo, xalka Nayroobi wuxuu siinayaa Itoobiya “helitaanka kheyraadka badda oo xasiloon oo la saadaalin karo” si ay ganacsigeeda u fuliso si aan caqabad lahayn, iyadoo sidoo kale ixtiraamaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya, ayuu raaciyay.

Dowladaha IGAD ku jira ee haysta xeeb macne leh ayaa kala ah Jabuuti iyo Soomaaliya, waxaana hubaal ah waxa loo socdaa in uu yahay kheyraadka Soomaaliya iyo Jabuuti.

HORSEEDMEDIA