Kenya: Kiisaska Coronavirus Kordhay iyo Somali u Geeriyooday cudurka

Published: April 13, 2020

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in 11 qof oo cusub laga. helay cudurka Coronavirus taasi oo tirada guud ee dadka uu ku dhacay ka dhigaysa 2018 qof

Dadka laga helay cudurka ayaa aha lix rag ah iyo shan dumar ah, da’dooda ayaa u dhaxaysa 1 sanno jir iyo ilaa 40 jir sida lagu sheegay warbixin wasaarada caafimaadka Kenya ay soo saartay

Kiisaska cusub 4 ka mid ah waxaa laga helay magaaladda Mandheera, 3 waxaa laga helay magaaladda Mombasa, halka Nairobi laga helay 2 Kiis, Magaalooyinka Nakuri iyo Machakos ayaa min hal kiis laga helay

Ilaa 8,000 qof oo laga shakiyay oo la karantiilay ayaa dowladdu kenya waxay samaysay baaritaan si loo ogaado inay qabaan cudurka iyo in kale.

Dhinaca kale, Muwaadin Soomaaliyeed oo labo toddobaad la karantiilay ayaa shalay galab ugu geeriyooday xanuunka Coronavirus magaaladda Nairobi ee caasimadda Kenaya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *