Kenya – Maxkamadda Sare oo diiday in la xiro Dhadhaab

Published: December 15, 2019

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa diidday qorshe ay wadday Dowladda Kenya oo la xiriira in la xiro Xerada ugu weyn Adduunka ee ay qaxooti ku noolyihiin oo ah Dhadhaab.

Maxkamadda oo kiiskan dhegeysatay ayaa sheegtay in dad ka badan 200,000 qof ay ku noolyihiin xeradaas Soomaaliyana aysan ahayn meel lagu celin karo.

John Mativo,oo ah garsooraha bixiyay amarka ka dhanka ah go’aanka dowladda ayaa sheegay in Wasiirka amniga gudaha Kenya oo sameeyay ku tagrifal awoodeed kaddib markii uu amray in xeradaas la xiro.

Garsooraha ayaa ku dooday in amarka Wasiirka amniga gudaha Kenya aan lagala tashan dadka uu quseeyo sida dadka ku nool Dhadhaab iyo hay’adaha sharciga dalka Kenya.

Mativo, ayaa sidoo kale amarka Wasiirka ee lagu xirayay Xerada Dhadhaab ku tilmaamay mid takoor ah oo ka hor imanaya xeerarka Caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha waxaana uu ka soo qaaday waxba kama jiraan.

Dowladda Kenya ayaa ku doodday in Xerada Dhadhaab ay noqotay meel ay AL-shabaab ka abaabulaan weerarrada ka dhanka ah dadka Kenyaanka ah sidaas darteedna loo baahanyahay in Xeradaas guud ahaan Albaabada loo laabo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *