Kenya oo $8 milyan ka heshey qaadka Soomaaliya u soo dhoofiso bil gudaheed.

Published: August 17, 2022
Shares144

Inkasta oo Soomaaliya ku jirto xaalad aad u adag, abaar, gaajo iyo dhaqaale xumo, ayaa warbaahinta Kenya qortey in suuqa Qaadka ee Soomaaliya, Kenya ay ka samaysey 21 maalmood gudahood $8 milyan dollar.

qaadka Kenya Miraa

Kiinya ayaa muddo 21 maalmood ah gudahood u soo dhoofisay dalka qaadka Miraaga qiimihiisu gaarayo 1 bilyan oo shilinka dalka Kenya ah, taas oo u dhiganta $8.3 milyan oo dollar, tan iyo markii uu dib u soo laabtay ganacsigii qaadka oo Soomaaliya xayiraadii ka qaadey.

Xayiraada Soomaaliya saartey qaadka sanadkii 2019 ayaa keentay dib u dhac weyn oo soo wajahay beeralayda daroogada Miiraaga oo suuqaga ugu weyn ahaa Soomaaliya

Madaxa Miraa Pyrethrum iyo dallagyada Felix Mutwiri ayaa sheegay in waddankiisu ilaa hadda dhoofiyay 375 tan saddexdii todobaad e u danbeysey.

Dakhliga ayaa si kastaba ha ahaatee, hoos u dhac ku yimid tirada ay Kenya u ogolaatay in ay u dhoofiso Soomaaliya. Markii hore, Nayroobi waxaa loo oggolaaday inay iibiso 40 tan maalin kasta, laakiin hadda waxay soo dejin kartaa ugu badnaan 19 tan isla muddadaas.

“Waxaan ilaa hadda dhoofinay 375,000 kiiloogaraam (375 tan) tan iyo markii aan dib u bilownay dhoofinta Miiraaga bishii Luulyo 24teedi.”

Mr Mutwiri.

Waxaa ilaa hadda shatiyo dhoofinta daroogada qaadka Miiraaga la siiyey ​​48 ganacsato ah iyadoo la raacayo shuruucda cusub ee Miiraga. Qof kasta oo dhoofiya dallagga beeraha isaga oo aan diiwaangelin iyo ruqsad haysan waxa uu mutaysanayaa xarig dhan saddex sano ama ganaax lacageed oo dhan ilaa 5 milyan oo shilinka Kiinya ah ah sida uu qabo xeerkan cusub.

Ganacsatada Kiinya ayaa weli ku doodaya in qiimaha Miiraaga Soomaaliya hadda uu ka joogo aysan ku qanacsaneyn. Halka kiilo-garaam ee Miirowga ah ayaa hadda maraya $23 taas oo wali ka sii hoosaysa qiimaha uu ahaan jirey ka hor inta aan quuqa la xirin sanadkii 2019 oo ahayd $25, sida uu ku doodey Mr Mutwiri

Kiinya ayaa tartan dhanka suuqa Soomaaliya ah kala kulmeysa Itoobiya oo keeni jirtay daroogada qaadka kadib markii Kiinya ay xiratay. Itoobiya ayaa hoos u dhigtey qiimaha qaadka lagu iibiyo, si ay suuqa ugu ciriiriso qaadka Miiraaga.

Guddoomiyaha Ururka Ganacsiga ee Nyambene Miraa (Nyamita) Kimathi Munjuri ayaa ugu baaqay dowladda inay soo farageliso si xaddiga daroogada qaadka la dhoofiyo looga kordhiyo 19 tan maalintii oo la gaarsiiyo ilaa 40tan oo daroogada qaadka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dib u furey ganacsiga qaadka Miiraaga, ayaa sheegay in Soomaaliyana ay u dhoofin doonto Kiinya wax soo saarka dalka oo uu ugu horeeyo Kalluunku, laakiin ilaa hadda lama hayo ganacsi is dhaafaya.

Qaadka Soomaaliya loo soo dhoofiyo waxaa haysan jirtey ganacsato, waxaase hadda la wareegay siyaasiyiin awood leh oo ku dhaw Villa Somalia, kuwaas oo aan u naxayn mustaqbalka dalka iyo jiilalka soo koroya ee qaadku aafeeyey.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *