Kenya oo ciidamo nabad-illaalin ah u direysa Haiti!

Published: September 23, 2023
Shares2

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in howlgalka ammaanka caalamiga ah ee Haiti oo ay hogaamineyso Kenya loo diri doono dalka Haiti “bilo gudahood”, isaga oo ku booriyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay oggolaadaan in la geeyo dalka Haiti sida ugu dhaqsaha badan.

Isagoo ka hadlayay jimcii shalay bilowga kulan Qaramada Midoobay ah oo ka dhacay New York oo ku saabsan xaaladda Haiti, Blinken wuxuu sheegay in Mareykanka uu siin doono “kaalmo dhaqaale iyo saadka” howlgalka.

Blinken ayaa soo dhaweeyay “dowladda Kenya inay diyaar u tahay hogaaminta howlgalkan”.

Wadanka Haiti ayaa ku jiray rabshado dhawrkii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan wixii ka dambeeyay bishii Luulyo 2021 markii la khaarajiyey Madaxweyne Jovenel Moise, dilkaas oo abuuray jahwareer siyaasadeed iyo amni xumo.

Bishii Oktoobar ee sannadkii hore, hoggaamiyaha Haiti, Ra’iisul Wasaare Ariel Henry, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay gacan ka geystaan sidii loo dhisi lahaa “cutubyo ciidamo gaar ah” si ay uga hortagaan rabshadaha.

Horseed Media