Kenya oo joojisay duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray Nairobi & Muqdisho

Published: May 11, 2021

Dowladda Kenya ayaa gabi ahaanba joojisay duulimaadyada diyaaradihii isaga kala gooshi jiray magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi iyo guud ahaan diyaaradihii tagay jiray Soomaaliya.

War kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Kenya ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta la joojiyay diyaaradaha Soomaaliya kasoo socdaala iyo kuwa Kenya ka taga ee aada garoomada diyaaradaha Soomaaliya ilaa wixii loo gaaro bisha 8-aad ee sanadkan.

Dhamaan Duulimaadyada u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya waa la hakiyay marka laga reebo duulimaadyada gargaarka bini aadanimo ,Qaramada Midoobay iyo kuwa Medevac.

ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Ncaa

Talabaadan joojinta duulimaadyada ee ay qaaday Kenya ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Soomaaliya ay diidday in wadanka la keeno Qaadkii horey uga imaan jiray Kenya.

Joojinta duulimaadyadan ayaa saameyn xooggan ku yeelanaya isku socodka ganacsiga iyo dadka gaar ahaan Soomaalida u kala socdaalaysa wadamada kale ee caalamka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Soomaaliya waa in ay ku dhaqaaqdo tillaabo kasta oo ay uga maaranto Kenya. Xitaa waxaa qurux badan in la mamnuuco kuwa ay fasaxeen. Loona sheego in ay soo maraan Jibuuti ama Addisababa.