Published: November 30, 2020
by: Horseed Staff
Dowlada Kenya ayaa ka hadashay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay Safiirka Kenya u fadhiyay Soomaaliya Lucas Tumbo, uguna yeeratay safiirkeedii Nairobi u joogay Amb. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).
War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan soo gaarsiin amarka safiirka Kenya uu dalka uga baxayo, isla markaana ka xun tahay.
Sidoo kale waxaa ay sheegtay inay ixtiraameyso madax bannaanida dhuleed, midnimo iyo madax banaanida siyaasadeed ee wadamada oo dhan.
Hoos ka akhriso:
Horseed Media