Kenya oo martigelinaysa shirka cimilada Afrika

Published: September 5, 2023

In ka badan toban hoggaamiyeyaal Afrikaan ah iyo qaar ka mid ah dadka u ololeeya isbeddelka cimilada ee adduunka ayaa ku kulmaya Kenya si ay uga qaybgalaan Shir Madaxeedka Cimilada Afrika.

Munaasabadda oo soconeysa Isniinta ilaa Jimcaha, ayaa looga hadlayaa saameynta isbeddelka cimilada iyo kharashaadka la xiriira ee qaaradda Afrika.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, Afrika ayaa dhalisa kaliya 2% ilaa 3% boqolkiiba qiiqa kaarboonka adduunka laakiin waxay ahayd qaarada ugu badan ee uu saameeyay kulaylka caalamiga ah ee loo aaneenayo dalalka warshadaha horumaray.

Horseed Media