Kenya oo xaqiijisay kiiskii u horeeyay ee cudurka Coronavirus in laga helay dalkeeda.

Published: March 13, 2020

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday kiiskii u horeeyay ee cudurka Coronavirus laga helay wadankeedda, sida ay xaqiijisay Wasaarada Cafimaadka Kenya.

Mutahi Kagwe Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya ayaa shaacisay in qof qaba xauunka Coronavirus laga helay. Qofkaan oo ah haweenay ayaa kasoo safartay Dalka Maraykanka, waxayna soo martay Dalka Ingiriiska.

Wasiirka ayaa sheegtay in xaalada haweeneyda ay iminka wanaagsna tahay, laguna sii heynayo Isbitaalka, illaa caafimaadkeeda ka hagaagayo.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dabagal ku sameyn doonaan dhammaan dadkii ay haweeneydaas la kulantay, tan iyo markii ay ka soo laabatay dalka Mareykanka.

Cudurka Coronavirus ayaa noqday cudur si saf mareen caalamka u saameeyay, waxaana dalal badan ay bilaabeen inay joojiyaan diyaaradaha uga yimaada wadamada uu sida daran u saameeyay, si ay uga hortagaan faafida dhaqsaha leh ee cudurkan.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *